Ruushka oo sheegay in ay sii xumaan karto xaaladda Afghanistan

0
429

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Ruushka Sergei Lavrov ayaa maanta walaac ka muujiyay xaaladda wadanka Afghanistan oo uu sheegay in ay sii xumaan karto.
Waxaa uu xusay in hadii ay dantu keento xukuumadda Moscow ay diyaar u tahay inay difaacdo saaxiibadeeda gobolka.
Dhanka kale isniintii ayay ahayd markii Emomali Rakhmon oo ah madaxweynaha wadanka Tajikistan uu amar ku bixiyay in la abaabulo 20,000 sarkaal si ay u adkeeyaan xadka dalkaasi kala dhexeya Afghanistan.
Tani ayaa timid ka dib markii la soo tabiyay in ugu yaraan 1,000 ka mid ah ciidamada Afghanistan ay gudbeen xadka markii ay kooxda Taalibaan sare u qaaday dhaqdhaqaaqyadeeda.