Wasiirka Gadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukumadda xilgaarsiinta Soomaaliya Duraan Axmad Faarax ayaa ka warbixiyay shir uu uga qeyb-galay dalka Morocco.
Waxaa uu Kulanka la yeeshay hay’adaha Duulista ee waddamada Jaamacadda Carabta.
Wasiirka ayaa sheegay in shirkaan saddexdii sano mar la qabto, laguna doorto Guddoonada hay’addaha Duulista , uuna noqonayo kii 26-aad ee ay yeeshaan waddamada ku bahoobay hay’addaha duulista ee wadamada Jaamacadda Carabta.
Shir guddoonka waxaa ahaa sanadkaan dalka Kuwait waxaana kala Wareegay wadanka Lebanon.
Mr. Duraan Axmad Faarax ayaa Tilmaamay in kulanka uu muhiim u yahay hay’adda duulista Rayidka Soomaaliyeed, maadaama ay dowladdda Soomaaliya la wareegtay maamulka hawadeeda dib u habayna balaarna lagu samaynayo.
Shirkaan hay’adaha duulista hawada ee Wadamada Jaamacadda Carabta sanadkaan waxaa ka qeyb-galay 21- dal.
Home Wararka Soomaaliya DHAGEYSO:Wasiirka duulista Soomaaliya oo ka warbixiyay shir uu kaga qayb galay dalka...