Maleeshiyaad Shabeellada dhexe ku dagaalamay oo baaq nabadeed loo diray

0
356

Waxaa Baaq Nabadeed loo diray Maleeshiyo Beeleed isku deegaanka ah oo ku dagaalamay deegaano ka tirsan gobolka Shabeelada dhexe.
Wararka ayaa sheegaya in Dagaal Beeleedkaas uu geystay qasaare kala duwan Wuxuuna ka dhacay tuulooyinka dayma-same iyo Maandheere oo hoostaga Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Hir-Shabeelle.
Dagaalkaan oo la sheegay inuu salka ku hayo arrimo la xiriira isku qabsiga dhulal ayaa waxaa inta la xaqiijiyay ku geeriyooday Afar Ruuux oo Maleeshiyaadka Dagaalamay ah wuxuuna si iskiis ah u joogsaday.
Qaar kamid ah Odayaasha Dhaqanka Magaalada Jowhar ayaa ugu baaqay maleeshiyaadka ku dagaalamay degaannada hoostaga magalada Jowhar inay dagaalka joojiyan, isla markaana wax walba miiska wada-hadalka ay ku dhameeyaan.
Sidoo kale waxaay Xuseen in dhawaan ay ku baxayaan Goobaha lagu dagaalamayo, si ay wada-hadallo dib u heshiisiin ah ugu furanMaleeshiyaadka dirirtu dhexmartay.
Mas’uuliyiinta & lamaha Amiga Magaalada Jowhar weli kama hadlin dagaalkaas, hayeeshee uu yahay mid 20-kii sano ee la soo dhaafay kusoo laab laabtay degaannada hoostaga Magaalada Jowhar.