Taliska Ciidanka Asluubta Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa ka war bixiyey nin maxbuus ah oo dil toogasho ah ku xukunaa kaasoo ka baxsaday xabsiga weyn ee magaalada Qardho ee xarunta Gobalka Puntland ay Karkaar u taqaano.
Afhayeenka Ciidanka Asluubta Maamulka Puntland Gaashaanle Cabdirisaaq Maxamuud Xersi Xarago ayaa sheegay in xilliga uu baxsanayay Maxbuuskaas oo lagu Magacaabo Axmed Cabdi Jaamac uu ahaa mid xanuunsan oo loo waday isbitaal Magaalada ku yaala.
Waxaa uu sheegay in kiiskaas loo xiray Saraakiil Ciidan, sidoo kalena ay ku raad joogan askari kamid ahaa ilaalada Maxbuuska baxsaday, xilliga Isbitaalka loo waday, kaasoo laamaha Amniga ay badi goobayaan.
Afhayeenka Ciidanka Asluubta Maamulka Puntland Gaashaanle Cabdirisaaq Maxamuud Xersi Xarago ayaa sheegay in Ciidamadii loo dhiibay Maxbuuska ay la garab mareen Isbitaalka, ayna gacanta u galeen Ciidamo u diyarsanaa, taasina ay baaritaan ku hayaan.
Dhowr jeer ayaa Xabsiyo kala duwna oo ku yaal Gobolada dalka Soomaaliya waxaa ka baxsaday dad ku eedeysnaa dambiyo kala duwan, kuwaasoo qaarkood la sheegay inay kamid yihiin Al-Shabaab & Daacish.