8 Kenyaan oo ka mid ah eedeysanayaal la xiray 8 sano kadib dembi ay ka gaysteen Rwanda

0
390

Sideed qof oo u dhashay dalkani Kenya ayaa ka mid ah 12 eedeysanayaal oo lagu xukumay xabsi sideed sano ah ka dib markii ay dembiyo la xiriira weerarrada dhanka intarneetka ka gaysteen dalka Rwanda.
Kooxdan ayaa la qabtay bishii Tobnaad ee sanadkii 2019-kii waxaana xilligaasi la sheegay in ay isku dayeen inay u dhacaan hannaanka bangiga Equity si ay ula baxaan lacagaha ay macaamiishu keydsadeen.
Eedeysanayaasha Kenyaanka ah ayaa magacyadoodu lagu kala sheegay Dedan Muchoki Muriuki, Samuel Wachira Nyuguto, Kinyua Erickson Macharia, Godfrey Gachiri Githinji, Eric Dickson Njagi Mutegi, Reuben Kirogothi Mwangi, Damaris Njeri Kamau iyo Steve Maina Wambugu.
Bishii Toddobaad ee sanadkii 2017-kii ayay ahayd markii bangiga dhexe ee dalka ee CBK uu soo saaray xeerar bangiyada ka caawinaya in ay la tacalaan falal dambiyeedyada lagu bartilmaameedsado barahooda intarneetka.