Booliska Hong Kong oo xiray 9 qof oo lagu tuhmayo argagixisanimo

0
323

Ciidamada booliska ee Hong Kong ayaa maanta gacanta ku dhigay 9 eedeysanayaal oo ay la xiriirinayaan falalka argagixisanimo.
6 ka mid ah shakhsiyaadkan ayaa ah arday dhigata dugsiga sare.
Tallaabadan ayaa qayb ka ah adeegsiga xeerka amniga ee ay soo saartay xukuumadda Beijing kaasoo sanadkii hore ka dhaqan galay Hong Kong.
Booliska ayaa warbaahinta u sheegay in eedeysanayaasha ay da’doodu u dhexeyso 15 ilaa 39 sano.
Waxaa sidoo kale la xannibay akoontiyo bangiyeed oo ay ku jirto lacag dhan 77,000 oo doolar taasoo la rumeysan yahay inuu qorshuhu ahaa in eedeysanayaasha ay u adeegsadaan howlahooda.
Sidoo kale waxay ciidamadu soo heleen agabka lagu sameeyo bambooyinka.
Booliska ayaa kooxda la qabtay magaceedu ku sheegtay Returning Valiant waxaana muddo hal bil ah u kireysnaa guri ku yaalla degmada caanka ku ah ganacsiga ee Tsim Sha Tsui
Taliyaha booliska Hong Kong Steve Li ayaa warfidiyeenka u sheegay in ardayda la xiray ay horay u go’aansadeen inay iskaga tagaan jamhuuriyadaasi.