DHAGEYSO:Maamulka Hirshabeelle oo shuruud ku xiray doorasho ka dhacda Beledweyn

0
464

Madaxweyne ku xigeenka Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Hir-Shabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa sheegay in dadka Reer Hiiran & mas’uuliyiintooda ay daneeynayaan in doorasho ka dhacdo Beledweyne ayna noqoto mid si nabad ah ku dhacdo.
Ha yeeshee ay jiraan caqabado dhowr ah oo hortaagan Doorasho ka dhacda Beledweyne, kuwaasoo uu sheegay inay qeyb ka tahay in amniga Magaalada Beledweyne uu noqdo mid aan la isku haleyn karin.
Yuusuf Dabageed oo kulan uga qeyb galay magaalada Beledweyne ayaa shuruudo ku xiray in Magaalada Beledweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan lagu qabto doorashada Xildhibaannada labada Aqal ka soo galaya deegaanada Maamulkaasi.
Waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in Madaxweynaha Hirshabeelle Cali guudlaawe uu tago Beledweyne uuna halkaas ku soo dhaweeyo Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta si oo hubiyo Goobaha ay doorashadu ka dhacayso.

Hadalka Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Hir-Shabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa kusoo aadaya xilli Janeraal Xuud iyo Ciidamo uu wato ay kasoo horjeesteen in Madaxweynaha Hir-Shabeelle uu tago Magaalada Beledweyne.