Milateriga Soomaaliya oo dagaal kula wareegay Bacaadweyn

0
441

Wararka Radio Risaala uu ka helayo Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Cidiamada dowladda gaar ahaan Qaybta 21aad iyo Daraawiishta Galmudug ay saaka la wareegeen deegaanka Bacaadwyene ee Koonfurta Gobolka Mudug.
Howlgal wadajir ah oo ay Ciidamada ka sameeyeen Koonfurta Gobolka Mudug ay kula wareegeen degaannada Bacaadweyne iyo Qeycad 25 km Galbeedka kaga beegan Magaalada Wisil .
Saraakiisha Daraawiishta Galmudug ayaa sheegay inuu jiro Dagaal kooban oo Ciidanka iyo Al Shabaab ku dhexmaray Magaalada Bacadweyne, balse aysan wax faah ahin ah ka bixin khasaaraha ka dhashay.
17-kii Bishii Afaraad ee sanadkan ayay Al-Shabaab la wareegeen degaanka Bacaadweyne ka dib dagaalo soo laab laabtay oo halkaasi ka dhacay, balse markale Ciidamada dowladda ay la wareegeen.