Weerar ka dhacay gobolka Gedo iyo faahfaahin laga helo

0
581

Dagaal u dhaxeeyay Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Xubno ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhacay degaano ka tirsan Gobolka Gedo, waxaana dagaalka ka dhashay khasaare kala duwa sida ay Warbaahinta Gudaha Soomaaliya Baahinayso.
Dagaalka ayaa waxaa uu yimid kadib markii Xubno ka tirsan AL-shabaab ay weerar jidgal ah ku qaadeen Kolonyo Gaadiid ah oo ay wateen Ciidamada dowladda, xilli ay Marayeen wadada u dhaxeeysa degmooyinka Luuq iyo Doolow ee Gobolkaasi Gedo.
Dadka deganka ayaa ku waramaya in Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab uu dhex-maray dagaal aad u xooganaa, isla markaana ay arkeen dad dhimasho iyo dhaawac ku noqday dagaalkaas.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid Al-Shabaab, isla markaana socdaalkooda ay sii wateen.
Al-Shabaab ayaa dhankooda wararka ay ku daabaceen Baraha Internetka waxaay ku sheegteen in weerarkaas ay ku dileen laba askari saddex kalena ay ku dhaawaceen wallow aysan jirin warar madax bannaan oo xaqiijinaya.
Degaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo ayaa dhowr jeer ooh ore waxaa ka dhacay dagaalo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda & Al-Shabaab, waxaana mararka qaar Ciidamada dowladda ay sameeyaan howlgallo balaadhan pp ka dhan ah Al-Shabaab.