DHAGEYSO:Ruto oo u jawaabay Raila

0
491

Madaxweyne ku xigeenka dalka Willaim Ruto ayaa xilli uu maanta ku sugnaa xaafadda Umoja ee magaalada Nairobi waxaa uu gaashaanka u daruuray eedeyn uga timid madaxa xisbiga ODM Raila Odinga oo ku aaddanayd lacagaha uu ku wareejiyo kaniisadaha dalka.
Raila ayaa shalay su’aal geliyay halka laga keenay lacagaha la siiyo xarumaha diimeed hadii aan lagu helin qaab musuqmaasuq ah.
Waxaa uu Raila ballanqaaday in hadii sanadka soo socdo uu ku guulaysto madaxtinimada dalka uu xabsiga u taxaabi doono mas’uuliyiin uu sheegay in ay ka tirsan yihiin dowladda oo musuqmaasuqo hantida dadweynaha.
In kastoo uusan si gaar ah cidna u carrabaabin Raila waxay u muuqataa in hadalkaasi uu dhibsaday Ruto sidan ayuuna kaga jawaabay.

Madaxweyne ku xigeenka dalka ayaa maanta kaniisadda PCEA ee Umoja ku wareejiyay hal milyan oo shilin.
William Ruto oo ka mid ah mas’uuliyiinta dhaliilsan qorshaha sharci beddelka ee BBI ayaa sheegay in hadii uu talada wadanka kala wareego madaxweyne Uhuru Kenyatta uu si gaar ah diiradda u saari doono la tacaalidda saboolnimada.
Waxaa uu intaa ku daray inuu mudnaanta koowaad siin doono taageeridda ganacsatada yaryar si ay dhaqaale ahaan isugu filnaadaan oo ay u wanaajiyaan nolosha qoysaskooda.
Dhanka kale madaxa xisbiga Wiper horayna u soo noqday madaxweyne ku xigeenka dalka Kalonzo Musyoka ayaa ayiday hadalkii Raila ee shalay ee ahaa in hoggaamiyaasha kaniisadaha laga doonayo in ay iska hubiyaan sida lagu helay dhaqaalaha ay siyaasiyiinta ugu deeqaan.