523 ah xaaladaha cusub ee corona oo laga xaqiijiyay dalka

0
437

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa sheegtay in 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay ay diiwaangelisay 523 ah xaaladaha cusub ee cudurka COVID19.
Kiisaskan ayaa laga soo saaray baaritaano lagu sameeyay dheecaan dhan 6,469.
Tirada guud ee xaaladaha cudurka ee Kenya ayaa hadda ah 185,060.
Saddex ka mid ah kiisaska hor leh ee maanta waxaa laga xaqiijiyay ismaamulka Garissa halka Mandera laga soo tabiyay labo.
Waxaa sidoo kale xanuunka ka caafimaaday 86 bukaan oo dheeraad ah tani oo bogsashada guud ka dhigaysa 126,680.
Sidoo kale waxaa COVID19 u dhintay 11 qof oo kale waxayna dhimashada guud tahay 3,651 qof.