Guddoomiyaha guddiga suuqgaynta xoolaha nool ee dalka kana mid ah waxgaradka ismaamulka Garissa Dubat Cali Cameey ayaa sheegay in ka xoolo dhaqato ahaan ay dowladda ku taageerayaan qorshaha sharci beddelka ee BBI maadaama ay jiraan waxyaabo laga faa’iidaya oo ay ka mid tahay miisaaniyadda dhaqaale ee dowladda dhexe ay u kordhinayso ismaamullada.