Nin barta Tiktoka isticmaalo oo reer Yukreeniyaan ah oo iska duubay isaga oo gabar yar oo wadada maraysa siinayo taleefan casri ah oo cusub si muuqaalkiisa loo daawado ayaa baraha bulshada hadal hayn ka abuuray ka dib markii uu muuqaalka ka dib si amar ah uga ceshtay taleefonkii.
Laga soo bilaabo sameynta waxyaabo kadhis ah ama prank ee naxariis darrada ah lana filaynin, ilaa kireynta istuudiyaha si ay naftooda uga dhigaan kuwo taajir ah, ma jiraan wax ay dadka baraha bulshada isticmaalo u sameyneyn si ay muuqaalkooda uga dhigaan mid daawasho badan.
Laakiin mid ka mid ah dhalinyarada saameynta ku leh baraha bulshada Yukreeniyaan ayaa ka tallaabay khadka markii uu go’aansaday inuu si qalbi furan u khiyaameeyo gabar yar isagoo markii hore siiyay taleefoon casri ah isla markaana ay u maleysay inay heshay taleefon bilaash ah balse uu dib uga soo ceshaday ka dib markii uu duubay muuqaalkii TikTok asagoo ku andacoodhay in kaliya uu rabay in taageerayaal uu ku helo.
Balse arrinta ayaa xumaatay ka dib markii gabadhii yarayd ay diiday inay wareejiso taleefonka.
Fiidiyow ay soo daabacday wakaaladda wararka ee Ruushka Lenta ayaa muujinaya tiktoker-ka Ukrianeka ee lagu magacaabo Alexánder Volóshin oo ku soo dhowaanaya gabar yar iyo hooyadeed waddada dhexdeeda. Mar uun, wuxuu gabadha yar siiyay taleefon cusub nooca Iphone-ka ka dib nah gabadhii yarayd uu hab siiyay, markii uu hubsaday in saaxibkiisa uu ka duubay muuqaalkan ayuu dib uga ceshaday taleefoonka gabadhii yarayd.
Gabadha iyo hooyadeed ayaa si la fahmi karo u diiday inay soo celiyaan iphone-ka la sheegay ee been abuurka ah, iyagoo ku andacoonaya in si xor ah loogu soo bandhigay, hadiyad ahaan.
Arrintan ayaa hadhal hayn badan ka abuurtay baraha bulshada waxayna sababtay in Alexánder Volóshin uu taageerayaal badan lumiyo.