Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa maanta waxa uu la kulmay martina u noqday madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron.
Waxaa ay hogaamiyaashan ku kulmeen qasriga Elysee ee magaalada Paris iyadoo ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo khuseeya labada dal iyo arrimo badan oo dan u ah Kenya iyo France.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo madaxweynaha Faransiiska ayaa sido kale ka wada hadlay horumarka mashaariicda muhiimka ah ee Faransiisku ka taageerayo Kenya oo ay ka mid tahay ballaarinta Wadada Summit ee Rironi-Nakuru-Mau isku xirta taas oo dhererkeedu yahay 233 kilomitir oo dhismaheeduna bilaaban doono bisha Sebtember ee sanadkan.
Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa maanta si rasmi ah qalinka ugu duugay xeerka qoondeynta miisaaniyadda ee sanadka 2021-ka.
Waxaa uu nidaamkan dardargelinayaa in golaha fulinta , baarlamaanka iyo waaxda garsoorka ay adeegsan karaan 1.9 tiriliyoon oo shilin oo loo qoondeeyay.
1.2 tiriliyoon oo lacagtan ka mid ah waxaa loo isticmaali doonaa howlaha maalinlaha ee waaxyahan halka 668.37 bilyan lagu qarash gelinaya barnaamijyada horumarineed.
Hoggaamiyaha dalka ayaa sidoo kale saxiixay sharciga maaliyadda ee 2021-ka oo qeexaya isbeddelo la xiriira canshuurta, maareynta kheyraadka dadweynaha , caymiska , howlgabka , ganacsiga suuqyada, dhigaalka ama keydka iyo waxyaabaha la midka ah.
Hoggaamiyaha dalka oo ku sugan wadanka Faransiiska ayaa sidoo kale saxiixay xeerka qoondeynta miisaaniyadda dheeraadka ah iyo qaybsashada dakhliga.
Afhayeenka madaxtooyada dalka ee State House Kanze Dena ayaa warbaahinta u sheegtay in xeerarka uu saxiixay madaxweynaha ay sare u qaadayaan ganacsiga gudaha wadanka.
Waxaa sidoo kale fududaan doonto uruurinta dakhliga ka soo xaroodo canshuuraha iyo taageeridda barnaamijyada loogu adeego shacabka ee lagu wanaajinaya noloshooda.