Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa u soo jeediyay madaxda dowladda Federaalka Doomaaliya iyo kuwa dawlad Goboleedyada inay sida ugu dhaqsiyaha badan uguna macquulsan u soo gabagabeeyaan hannaanka doorashada Soomaaliya.
Hadalka xoghayaha ayaa yimid maalin un kaddib markii Golaha Wadatashiga Qaran ay soo saareen jadwalka hannaanka doorashada Soomaaliya.
Antony Blinken ayaa soo saaray fariin ku aadan hambalyada maalinta xornimada ee 1-da Luulyo, isagoo ugu baaqay dhammaan madaxda inay sii wadaan wada shaqeynta, si ay u suurta gasho soo gabagabeynta hannaan doorasho oo daah furan, nabad ah oo loo dhan yahay.
Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in dowladda Mareykanka ay sii laba jibaari doonto taageerada ay siiso dowladda dhexe ee Soomaaliya si loo qabto doorasho hufan.
Home Wararka Soomaaliya Antony Blinken oo farriin u diray madaxda dawladda Soomaaliya iyo kuwa dowlad...