Laba ka mid ah Askarta Pakistan oo lagu dilay xadka ay la wadagaan wadanka Afghanistan

0
630

Dablay aan haybtooda la garanaynin ayaa laba Askari oo katirsan cidamadda wadanka Pakistan, ku dilay xadka ay la wadagaan dalka Afghanistan.
Qoraal uu soo saaray milatariga Pakistan, ayaa lagu xaqiijiyay gerida laba ka mid ah askarta wadankaasi iyaga oo dhanka kale ugu baaqay dawlada wadanka afhanistaan in ay wax ka qabato kooxaha amni darada kawada xuduuda labada dal gaar ahaan dhanka ay maamusho Afghanistan ee gobalk Paktika.
Qoraalka ka soo baxay cidamadda Pakistaan ayaa lagu canbareeyay weerarkan iyada oo dhanka kale lagu yiri waxaa si isdaba jog ah u waydisanaynay Afghanistan in ay hubiso xakamaynta kooxaha falaagada ah ee ee weerarada ka soo qaada gudaha Afghanistan oo ay kamid tahay kooxda Taliban.
xukumada Kapul kama aysan jawaabin edaynta uga timid dhinaca Islamabad.
Dawlada Afghanistan, ayaa diidan darbiga ay Pakistan ka dhisayso xuduuda kala qaybisa labada dal oo dhan 2,600km kaas oo ay sheegtay Pakistan in ay isaga difaacayso weerarada uga yimaada kooxaha islaamiyiinta ah ee uga soo talaaba dhanka Afghanistan.