Tanzania oo hal sano ka dib daabacday macluumaadka COVID19

0
449

Dowladda dalka Tanzania ayaa markii ugu horreysay in ka badan hal sano shaacisay xogta la xiriirta cudurka COVID19.
Waxay dowladda wadankaasi sheegtay inay xaqiijisay 100 xaaladood tan iyo markii uu billowday hirka saddexaad ee caabuqa.
Madaxweynaha Tanzania Samia Xasan Suluhu ayaa sheegtay in lacag dhan 470 milyan oo doolar loo qoondeeyay soo iibsashada daawooyinka tallaalka ka dhanka ah cudurka.
Waxay intaasi ku dartay in boqolkiiba 70 ee bukaanka uu saameeyay cudurka ay u baahan yihiin agabka ka caawin karo neef qaadashada.