Fallaagada Itoobiya oo sheegay in ay dagaalka sii wadayaan

0
520

Xoogagga gobolka waqooyi ee Tigray ee dalka Itoobiya ayaa wacad ku maray in aynan marnaba soo afjari doonin dagaalka ay ku jiraan ilaa iyo inta gobolkaasi laga saaraya ciidamada dowladda federaalka ee Itoobiya iyo kuwa Eritrea.
Dhawaan ayay ahayd markii ay sheegeen in ay si buuxda ula waregeen magaalada ugu wayn gobolkaasi ee Mekelle.
Waxaa Tigray ku dhawaad 8 bilood ka socdo iskudhacyo u dhexeya ciidamada dowladda Itoobiya iyo kuwa gobolkaasi taasoo sababtay dhibaatooyin baniaadannimo.