Taliska Ciidanka Booliska degmada Kaaraan iyo mas’uuliyiinta Maamulka degmadaas ayaa howlgallo ay ka sameeyeen xaafadaha degmada waxaay gacanta ku dhigeen Koox Burcad ah oo dhac u gaysan Jiray shacabka Deegaanka.
Howlgalkaan ayaa waxaa si gaar ah looga sameeyay xaafada Jamhuuriya iyo xaafadaha ku dhaw-dhaw sida masaajidka Turkiga, waxaana gacanta lagu soo dhigay 14 Nin oo ku hubeysan Qoryaha AK47 ,Bustoolad iyo Tooreeyo, kuwaasoo dadka Shacabka ah dhac u geysan jiray.
Guddoomiyaha Maamulka degmada Kaaraan Abshir Maxamed Maxamuud ayaa sheegay in mamaulka degmada iyo laamaha Amniga aysan u dul qaadan doonin dadka dhaca mobeelada ka geysanaya Xaafadaha degmada Kaaraan ee ee Magaalada Muqdisho.
Waxaa uu ugu baaqay bulshada dagan dagmada Kaaraan iney la shaqeeyaan maamulka si looga hor tago tuugada iyo burcada dhibaatada ku heeya dadka shacabka ah, isla markaana ay soo sheegaan meelkasta oo ay ku arkaan.
Ku simaha Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gaashaanle C/fitaax Adan Xassan oo warbaahinta kula hadlay Xarunta Danbi barista Booliska Soomaaliyeed ayaa ka warbixiyay Kooxahaan Burcada ah ee ay Ciidanku Gacanta ku dhigeen.
Howlgalkaan lagu soo Qab Qabtay Kooxahaan Burcada ah ayaa wuxuu kusoo aaday xilli maalmihii la soo dhaafay dadweymaha ku nool Qaar ka mid ah Xaafadaha Degmada Kaaraan ay ka cabanayeen Kooxo Burcad ah oo dhac Bareer ah u geysanaya Xiliyada Habeenkii iyo Maalintiiba.