Warbaahinta dalka oo lagu boorriyay inay ka shaqeeyaan horumarka dalka

0
670

Afhayeenka dowladda dhexe Mr. Cyrus Oguna ayaa ku boorriyay warbaahinta dalka inay safka hore uga jiraan xoojinta midnimada iyaga oo dadweynaha u gudbinaya macluumaad sax ah.
Waxaa uu xusay in warbaahintu ay awood u leedahay inay dhisto ama burburiso qaran.
Mas’uulkan oo carrabaabay in saxaafadda ay tahay awoodda afaraad ee adduunka ayaa warbaahinada wadanka ka howlgalo ka codsaday inay hubiyaan macluumaad kasta oo ay gudbinayaan si looga fogaado inuu khalalaaso ka dhex abuurmo shacabka kenyaanka .
Hadalkan ayuu jeediyay xilli uu saaka kulan kula qaatay dhismaha Hilton ee Nairobi xubno ka tirsan golaha warbaahinta ee dalka iyagoona ka wada hadlay qaababka ay dowladda iyo warbaahintu iskaga kaashan karaan dib u dhiska qaranka.
Waxaa uu Cyrus Oguna intaa ku daray in dalka u midoobo islamarkaana u horumar gaaro halka warbaahinta laga doonaya marwalba in ay xogta xaqiiqda ah ka soo diyaariso labada dhinac ee dowladda iyo shacabka.
Waxaa uu sheeegay in tani ay yareyn doontaa wararka khaldan ee loo gudbinya dadweynaha.
“Dowladda waxaa saaran mas’uuliyad ah inay ilaaliso muwaadin kasta oo kenyaan ah iyo hantidiisa, ma fadhiisan karno oo ma daawan karno dadkeenna oo dhibaataysan, maaddaama aan xal u helno dhibaatooyinka kala duwan, warbaahinta sidoo kale waa inay gacan ka geysata xasilinta dhibaatooyinka ka jira dalka, ”ayuu yiri Mr. Cyrus Oguna.
Waxaa uu dhanka kale ammaanay saxaafadda doorka ay sida joogtada ah uga ciyaareyso wacyigelinta bulshada.
Waxaa u carrabka ku adkeeyay in warbaahintu ay awood u yeelan karto kor u qaadida dimuqraadiyadda, wax ku bari karto qaab togan isla markaana u oggolaan karto Kenyaanka inay ku noolaadaan jawi horumarsan.
Oguna ayaa u mahadceliyay warbaahinta taasoo uu sheegay inay iftiimisay xaaladda noololeed ee kenyaanka islamarkaana warbixino ka diyaariso dhinacyada ay dhibaatooyinka kala duwan saameeyaan si wax looga qabto.
Dhanka kale qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twittarka ayuu ku sheegay in laga soo billaabo sanadkii 1992-dii shanti sano ay dad ku barakacaan gudaha dalka sidoo kalena ay jirto saameyn nololeed iyo mid ganacsi.
Oguna ayaa xusay in sanadkii 2007-dii 2,500 oo qof ay ku dhinteen rabashado la xiriira doorashadii guud ee lagu murmay.
Waxaa uu sheegay in maadaama hannaanka sharci beddelka ee BBI uu wadanka xasilooni iyo wadajir buuxa u horseedaya in cid kasta laga doonayo inay fahanto qodobbada ku xusan dokumeentigan.
Afhayeenka dowladda ayaa dhammaan shacabka ugu baaqay inay ku dadalaan sidii ay ku heli lahayeen nuqullada warbixinta BBI, la akhriyo qof kastana uu qaato go’aan madax bannaan oo xog-ogaalnimo ku saleysan.
Sidoo kale waxaa uu Cyrus Oguna , afhayeenka dowladda qoraalkiisa ku sheegay inay jiraan xeerar loo dejiyay safarrada caalamiga waxaana ka mid ah in qofka dalka imaanaya uu sito sidoo kalena marka uu Kenya soo gaaro uu soo bandhigo shahaado rasmi ah oo muujinaysa inuunan qabin cudurka COVID-19.