DHAGEYSO:Munaasabad looga hadlayo hormarinta afka Soomaaliga oo Muqdisho lagu qabtay

0
783

Xalay waxaa magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya lagu qabtay Munaasabada 48 Sano guurada ka soo Wareegtay markii afka Soomaaliga la hirgaliyay oo la qoray iyo 47 guurada ka soo wareegtay markii ugu horreysay ee uu soo baxay wargays Afsoomaali ku qoran.
Wasiirka Wasaaradda warfaafinta dowladda Federaalka Soomaaliya Cismaan Dubbe oo hadal ka jeediy munaasabad looga hadlayay hormarinta Afka Soomaaliya ayaa sheegay inay aad Muhiim u tahay hormarinta iyo ka shaqaynta arrimaha afka Soomaaliga.
Wasiir Dubbe ayaa sidoo kale Faahfaahin ka bixiyay marxaladaha kala duwan ee uu afka Soomaaliga Soo maray isagoo hoosta ka xariiqay in dadka Soomaaliyeed waxa isku haya ay tahay Afkooda Hooyo.

Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in afka Soomaaliga uusan Lumin uuna yahay mid qoto dheer wuxuuna ku boorriyay in sare loo qaado tayada afka Soomaaliga.