Jacob Zuma oo lagu xukumay xabsi 15 bilood ah

0
447

Maxkamadda arrimaha dastuurka ee dalka Koonfur Afrika ayaa xabsi 15 bilood ah ku riday Jacob Zuma oo horay wadankaasi u soo hoggaamiyay.
Waxay maxkamaddu sheegtay in mas’uulkan hore lagu helay dembi ah inuu dafiray amar ay soo saartay oo isaga ka dhan ahaa.
Tani ayaa timid ka dib markii uusan maxkamadda ka soo hormuuqan horraantii sanadkan maadaama uu wajahayay dacwado la xiriira musuqmaasuqa.
Zuma ayaa xilligaasi ku guuldareystay inuu hor yimaado guddi xaqiiqa raadis ah oo uu hoggaaminayay ku xigeenka madaxa cadaaladda ee Koonfur Afrika Raymond Zondo .