Waxaa geeriyooday Mansukh Patel oo ahaa mulkiilaha biyo xireenka Solai Dam ee ismaamulka Nakuru oo ay bishii Shanaad ee sanadkii 2018-kii ku dhinteen 50 qof ka dib markii uu soo fatahay.
Mr. Patel ayaa geeriyooday xilli lagu daaweynayay isbitaalka Aga Khan ee magaalada Nairobi oo muddo kooban lagu daaweynayay.
Waxaa geeridiisa xaqiijiyay guddoomiyaha xaafadda Solai ,Kiragu Maina oo sheegay in ganacsadaha isbitaal la dhigay toddobaadkii hore.
Mr. Kiragu ayaa intaa ku daray in ilaa iyo hadda aan faahfaahin laga hayn xanuunka laga daaweynayay Mansukh Patel oo ahaa 80 sano jir ee uu u geeriyooday.