Guddiga adeegga macallimiinta ee TSC ayaa sheegay in la howlgelinayo 9,914 oo macallimiin cusub ah kuwaasoo badankoodu wax bari doono ardayda dugsiyada sare.
Tani ayaa qayb ka ah dadaallada dowladda dhexe ee lagu buuxinayo gaabadka dhanka tirada barayaasha ee dugsiyada wadanka.
Waxaa la filayaa in shaqaaleysiintan cusub ay noqoto mid ku saleysan tartan adag maadaama ay jiraan in ka badan 350,000 oo ah macallimiin la diiwaangeliyay balse shaqo la’aan ah.
Wasaaradda maaliyadda ee dalka ayaa sanadkan guddiga adeegga macallimiinta ee TSC u qoondeysay miisaaniyad dhaqaale oo dhan 2.5 bilyan.
Waxaa lagu wadaa in guddigan uu howlgeliyo 5,000 oo macallimiin dheeraad ah.