Ciidamada dowladda Maraykanka ayaa lagu soo warramayaa in ay duqeymo dhinaca cirka ah ka gaysteen wadamada Syria iyo Ciraaq.
Militariga Maraykanka ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay inuu bartilmaameedsaday maleeshiyo uu dowladda Iiraan ku tuhmayo in ay garab siiso.
Weerarrada ayaa looga falcelinayay kuwo loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo lala eegtay saraakiisha Maraykanka iyo xarumahooda ku yaalla dalka Ciraaq.