In ka badan 5,000 oo ka mid ah kooxaha bulshada ee ka dhisan ismaamulka Kitui ayaa lagu wadaa in ay ka faa’iidaystaan barnaamij awoodsiin ah oo ay ku baxayso lacag dhan 180 milyan oo shilin.
Ururradan ayaa waxaa xubno ka ah dhallinyarada iyo haweenka.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii barasaabka dowlad deegaanka Kitui Charity Ngilu ay daahfurtay barnaamijkan.
Waxay sheegtay inuu yahay qorsho lagu garab istaagaya kooxaha ka jiro tuulooyinka si ay u helaan maalgelin ganacsi.
Mrs. Ngilu ayaa intaa ku dartay in sidoo kale fursad la siinaya dadka qabo baahiyaha gaarka ah.