Rw Rooble oo Isbitaalka ku booqday dhaawacyadii dagaalkii Wisil

0
421

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamad Xuseen Rooble oo uu wehliyo Madaxweynaha Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa waxay isbitaalka ku booqdeen askar iyo dad rayid ah oo ku soo dhaawacmay weerarkii Al-Shabaab ay Aroornimadii Axadii shalay ku qaadeen deegaanka Wisil ee gobolla Mudug.
Mr Rooble oo isdul taagay dhaawacyada ayaa dhakhaatiirta ka dhageystay warbixinta la xiriirta Xaaladooda Caafimaad, isagoo u rajeeyay caafimaad deg deg ah, wuxuuna uga mahadceliyay sida geesinimada leh ee ay isaga caabiyeen cadowga deegaankooda soo weeraray.
Dowladda Federaalka Soomaaliya oo si adag u cambaareysay weerarkii ay Al-Shabaab ay Shalay ku qaadeen shacabka degmada Wisil ee gobolka Mudug ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay ehellada dadkii ku dhintay Weerarkaas
Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa sheegay in dowladdu ay qaaday tallaabooyin deg deg oo loogu gurmanayo shacabka Wisil, muujiyey geesinimo, iskana difaacay Shabab.
Sidoo kale Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa xaqiijiyey in 41 xubnood oo Al-Shabaab ka tirsan looga dilay dagaalkii shalay ka dhacay Magaalada Wisil ee Gobolka Mudug, halka tiro intaas ka badan looga naafeeyey.