Maamulka Hirshabeelle oo ka hadlay haamo ku soo caariyey Cadale

0
409

Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Hir-Sabeelle ayaa ka hadashay Haaman kusoo caariyey Xeebta Degmada Cadalle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Maamulka Hir-Shabeelle Xuseen Maxamuud Turyare ayaa ka digay Dhibaatooyinka ka dhalan kara Haamankaasi, isagoo Shacabka Degmada Cadalle ugu baaqay inay ka fogaadaan inta laga hubinayo Qataraha ka dhalankara Haamankaas ku soo caariyay Xeebaha Magaalada Caddale ee Gobolka Shabeellada Dhexe.
Wasiirka ayaa ayaa sidoo kale waxa laga Xumaado oo aan Marnaba la aqbali Karin ku Tilmaamay Maraakiibta Shishiiye ee waxyeelada u geysanaya Xeebaha dalka Soomaaliya gaar ahaan Xeebaha Gobolka Shabeellaha Dhexe oo dhowr jeer oo hore sidaan oo kale Haaman kuso caariyeen Xeebta Ceel Macaan.