Waxaa isa soo taraya baaqyada loo jeedinaya madaxda xisbiyada ODM, Wiper iyo ANC ee kala ah Raila Odinga , Kalonzo Musyoka iyo Musalia Mudavadi ee ku aaddan in ay dib u soo noleyaan isbeheysigii NASA.
Baaqan ayaa laga jeediyay munaasabad baroordiiq ah oo loo sameeyay xildhibaankii hore ee deegaanka Gem Jakoyo Midiwo oo maalmo ka hor geeriyooday.
Guddoomiyaha xisbiga ODM John Mbadi ayaa sheegay in siyaasiyiintan laga doonayo in ay mar kale midobaan si mid ka mid ah uu ugu guulaysto xilka madaxtinimo sanadka 2022-ka.
Dhawaan ayay ahayd markii ay soo baxeen warar sheegaya in Kalonzo iyo Mudavadi ay qorsheynayaan in ay xoojiyaan NASA oo ay sanadkii 2017-kii ku mideysanayeen ODM, Wiper, ANC iyo Ford-Kenya oo uu hoggaamiyo senatarka Bungoma Moses Wetangula.