DHAGEYSO:Iskaashatada beeraleyda gobolka Hiiraan oo soo bandhigay dalagyada ka soo go’a beeraha gobolkaas

0
588

Iskaashatada beeraleyda gobolka Hiiraan ayaa soo bandhigay dalagyada ka soo go’a beeraha gobolkaas
Iskaashatada beeraleyda gobolka Hiiraan ee Bartamaha Soomaaliya oo ka kooban ilaa 14 Kooxood ayaa waxay Magaalada Beledweyne e Xarunta gobolka Hiiraan ku soo bandhigeen dalagyada ka soo go’ay beeraha gobolkaas.
Beeralay Gobolka hiiraan ee bandhig dalageedka ku qabtay magaalada Beledweyne ayaa waxay Faahfaahin ka bixiyeen Caqabada ay wajahaan.
Wasiirka Beeraha Maamulka Hirshabeelle ayaa dhankiisa balan qaaday inay garab istaagayaan dadka Beeralayda ah ee ku nool deegaanada Maamulka Hirshabelle.