Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa sheegay in dowladda dhexe ay soo saartay dhaqaale dhan 4.2 bilyan oo shilin si loogu wanaajiyo kaabayaasha dhanka tacliinta.
Lacagtan ayaa loogu talagalay dugsiyada hoose dhexe iyo kuwa sare ee wadanka.
Waxay tani imaanaysaa iyada oo lagu wado in si rasmi ah loogu gudbo manhajka cusub ee waxbarashada ee loo yaqaano CBC oo la rajeynaya inuu ardayda ka soo dhiso dhinaca xirfadaha.
Wasiir Magoha oo warbaahinta kula hadlay ismaamulka Kisumu ayaa meesha ka saaray cabsida ah in dowladdu ay wajahayso caqabad ku aaddan dhaqangelinta hannaanka cusub ee waxbarashada.
Waxaa uu intaasi ku daray in guddi ka kooban 26 xubnood oo uu madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta u xilsaaray howshan uu soo jeediyay in ku tallaaba qaadka nidaamka CBC ay tahay arrin lagama maarmaan ah.