741 qof oo laga helay fayraaska Corona halka 24 bukaan ay u geeriyoodeen

0
480

Weasaarada caafimadka ayaa shaca ka qaaday in 741 qof laga helay Viruska Corona ka dib markii la baaray 6,955 dheecaan 24-kii saac ee anu soo dhaafnay.
Xaaladaan cusub ayaa waxay wadarta guud ka dhigeysa 181,239.
Xaaladahan cusub, 698 waa Kenyan 43 waa ajaniib; 464 waa rag 277 waa dumar, bukanaka ugu yar waa ilma dhalan hal sana , kan ugu wayn waa 101.
Wasiirka caafimadka Sen.Mutahi Kagwe, ayaa war saxafadeed waxa uu ku sheegay in 99 bukaan ah ay ka caafimadeen viruska, 52 waxa laga soo saaray barnamaijka daryeelka guryaha halka 47 laga soo saaaray xaruumaha caafimadka guud ahaan dalka.
Wasiir Kagwe ayaa dhinaca kale sheegay in 24 bukaan ay u geeriyodeen Viruska afar iyo labtankii saac ee anu soo dhaafnay.
Waxay nwadarta guud ee bukanada u geeriyooday Viruska ka dhigeysa 3,538.
Xaaladahan cusub ayaa waxa laga diiwaan galiyay ismamaulada akala ah; Nairobi 146, Busia 92, Siaya 76, Kisumu 51, Mombasa 47, Kericho 39, Kitui 37, Kisii 35, Uasin Gishu 27, Kakamega 26, Nyamira 21, Kilifi 17, Vihiga 16, Nandi 16, Homa Bay 14, Nakuru 13, Kiambu 10, Meru 10, Bungoma 9, Kajiado 5, Kirinyaga 4, Nyeri 4, Tana River 4, Machakos 3, Murang’a 3, Baringo 3, Barnett Garissa, Makueni, Migori and Nyandarua min 2 kiis, West Pokot, Isiolo, and Elgeyo Marakwet min hal kiis .