10 ka mid ah ciidamada hawada ee dalka ayaa ku dhintay halka 13 kalana ay k udhaawacmeen ka dib markii saaka ay diyaarad nooca qummaatiga u kacdo ee loo yaqaano Helikobtarka ku burburtay aagga Ole Tepesi ee Ngong oo ka tirsan ismaamulka Kajiado.
Afhayeenka ciidamada Diifaca Col.Zipporah Kioko ayaa sheegtay in dhaawaca saraakiisha loo qaaday isbitalka ciidamada qalabka Memerial magaladatani Nairobi.
Ilaa iyo hadda ma cadda sababta keentay dhacdadaasi in kastoo ay socdaan baaritaano lagu xaqiijinaya. Balse Afhayenka Ciidamada Milatariga Zippoarah ayaa sheegtay in baarayaasha ay tageen goobta isla markaana ay xaqiijinayaan sababta shilka.
Diyaaradda oo ay leeyihiin ciidamada hawada dalka ayaa halkaasi ugu ambabaxday tababar dhanka howlgallada ah.