DHAGEYSO:Shir looga hadlayay Hormarinta dhaqaalaha oo Garowe ka Furmay

0
299

Waxaa Magaalada Garowe lagu daah furay Shir looga hadlayay hormarinta Dhaqaalaha deegaanada Maamulka Puntland waxaana diirada lagu saarayaa shirkaas sidii dadka danyarta ah iyo ganacsatada ay fursad ugu heli lahaayeen ka qayb qaadashada Hormarinta dhaqaalaha deegaanada Maamulka Puntland.
Agaaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta, Maamul Goboleedka Puntland , Sharmaake Xasan Cali ayaa warbaahinta Faahfaahin ka siiyay Muhiimada shirkaan Garoowe uga furmay Gudoomiyaasha degmooyinka Maamulka Puntland.