Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida oo dhagaysanaysa dacwada dad Ajaanib ah

0
318

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliy ayaa maanta dhageysan doonta labo eedeysane oo ajaanabi ah kuwaasoo loo heysto kamid ahaanshaha Ururka Al-Shabaab.
Labada eedeysane ayaa la sheegay inay u kala dhasheen dalalka Malaysia iyo Britain.
Labadan eedaysane ayaa loo haystaa inay dalka Soomaaliya ku soo galeen qaab sharci darro ah iyo inay ka barbar dagaaalameen Al-Shabaab, waxaana loo haystaa in mudadii ay Soomaaliya joogeen ay gaysteen tacadiyo iyo gabood falo ka dhan ah muwaadiniin Soomaaliyeed iyo inay qayb ka noqdeen weeraro ka dhacay dalka Soomaaliya oo Muwaadaniin badan ku waxyeeloobeen.
Maxkamadda Ciidamada qalabka Sida ee Dowlada Soomaaliya ayaa waxaay horay xukuno kala duwan ugu riday dad isugu jira Soomaali iyo Ajaanib, kuwaasoo lagu helay inay la Shaqeeynayeen Al-Shabaab iyo Kooxda Daacish ee ka dagaalanta deegaano ka tirsan Gobolada dalka Soomaaliya.