DHAGEYSO:Madaxweyne ku Xigeenka Maamulka Galmudug oo ka qaybgalay Daahfurka dhismaha Xayntaabka Garoon

0
306

Madaxwayne ku-xigeenka Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa ka qeyb galay Mashruuc lagu Daah furayey dhismaha Xayndaabka Garoonka Diyaaradaha Magaalada Dhusamareb ee Caasimada Maamulka Galmudug.
Wasiirka gaadiidka iyo Duulista Maamulka Galmudug iyo Madaxweyne ku Xigeenka Maamulka Galmudug ayaa sheegay in dhismaha Xayntaabka Garoonka Magaalada Dhuusamareeb ay qayb weyn ka tahay sugida amaanka iyo hormarinta Howlaha Garoonka Bulshada loogu Fulinayo.
Waxayna Shirkada dhismahaan Gacanta ku haysta ay ugu baaqeen inay howshaan u gutaan Sida ugu haboon.


Dhanka kale Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo danjiraha Dowlada Ingiriiska ee Soomaaliya Kate Foster ayaa ka wada hadlay horumarinta kaabiyaasha dhaqaalaha, amniga iyo dhismaha hey’adaha kala duwan ee maamulka Galmudug oo dowladda Britain gacan ka geysato.
Kulankaan oo maanta aaladda fogaan aragga ay ku yeesheen labadaan mas’uul ayay diiradda ku saareen xoojinta wada shaqeyntooda iyo sidi UK ay u dardargelin laheyd taageerada dhismaha hey’adaha Maamulka Galmudug.
Dhinaca kale, Madaxweynaha iyo danjiraha ayaa ka wada hadlay arrimaha dardargelinta doorashada dalka Soomaaliya oo si habsami leh hada ku socota lana rajaynayo inay dhawaan doorashadu dhacdo maadaama lagu Heshiiyay Qodobada doorashada lagu hagayo.
Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa ugu danbeyntii danjiraha Ingiriiska kaga mahadceliyay taageerada iyo garab istaagga dowladda UK ee guud ahaan dalka Soomaaliya iyo si Gaar ah Maamulka Galmudug hay’adihiisa.