Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi ayaa digniin ka soo saaray waxa uu ku Tilmaamay ku dhaqanka shuruuc iyo dhismaha hay’addo sharci darrro ah oo aan soo marin Aqalka Sare, kuwaasoo uu sheegay in illaa lix sharci iyo hey’addo la ansixiyay intii ay jirtay Xukuumadda Xil gaarsiinta ah.
Sharicyada iyo Hay’adaha uu dhaliilsan yahay Gudoomiyaha aqalka Sare ee Soomaaliya ayuu sheegay inay ka mid yihiin Ansixinta wax ka bedelka sharciga maareynta guud,Ansixinta guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka musuqmaasuqa,golaha adeegga garsoorka,Ansixinta sharciga hay’adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga dadweynaha,Wax ka bedelka sharciga lagu dhisay guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka iyo kuwo kale.
Gudoomiyaha aqalka sare ayaa War saxaafadeedka ku sheegay iney si dhaw ula socdaan, isla markaana u diiwaan galiyeen dhamaan isku dayada, iyo wareegtooyinka lagu dhaqan galinayo shuruuc, laguna sameynayo hey’addo khilaafsan dastuurka KMG ah ee Soomaaliya sida uu hadalkiisa u dhigay, kuwaasoo aan soo marin aqalka sare ee baarlamaanka federaalka.
Qoraalkaas ayaa lagu sheegay in Golaha Aqalka Sare uu ku war galinayo digniintaan dhammaan hey’adaha Dowladda Federaalka, dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, hey’adaha Bulshada Rayidka ah, iyo hey’adaha Caalamiga ah ee kaalmeeya Soomaaliya.
Guddoonka Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya, ayaa wali usii jira hey’ad ahaan, balse muddo xileedkiisu wuxuu dhamaaday 27-kii December, ee Sanadkii hore 2020-kii.