Booliska Soomaaliya oo soo bandhigay baabuur ay Shabab ka qabsadeen

0
356

Dagaal u dhexeeyay Ciidanka Booliska Soom aaliya ee Haramcad iyo Al-shabaab ayaa lagu soo waramayaa inuu xalay ka dhacay deegaanka Xaawo Cabdi ee duleedka Magaalada Muqdisho, waxaana ka soo baxaya Faahfaahino dheeraad ah.
Dagaalkaan ayaa bilowday ka dib markii xubno ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Bar koontarool oo Ciidanka Haramcad ay ku leeyihiin deegaanka Xaawo Cabdi gaar ahaan halka laga ilaaliyo wadada isku xirta Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Haramcad ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid Shabaabka, isla markaana uu dhacay dagaal kooban oo dhexmaray ayaga iyo koocdii Weerarka ku soo qaaday wallow markii dambe xaaladda ay si caadi ah kusoo laabatay.
Saraakiisha Booliska Soomaaliya ayaa tilmaamay inay gacanta ku dhigeen saddex kamid ah xubnihii weerarka ku qaaday Ciidanka Booliska ee ku sugnaa Barta koontarool ee ay ku leeyihiin deegaanka Xaawo Cabdi, iyagoona soo bandhigay gaari nooca Soomaalida u taqaano NOHA oo ay Xalay qabsadeen.