Wasiirka wasaaradda amniga ee dalka Burkina Faso Ousseini Compaore ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in weerar gaadmo ah lagu dilay in ka badan 11 boolis ah halka 4 kale weli la la’yahay.
Falkan ayaa laga gaystay waqooyiga wadankaasi oo ay dagaallo ka taagan yihiin.
Wasiirka ayaa intaa ku daray in weerarka uu dhacay xilli ay ciidamada ammaanka howlgal gurmad ah ka wadeen magaalada Yirgou oo dhawaan rabshado laga soo tabiyay.
Waxaa uu xusay in ay socdaan howlgallo ay qayb ka yihiin militariga oo lagu raadinaya saraakiisha weli la la’yahay.
Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dhacdada lagu bartilmaameedsaday saraakiisha ammaanka ee Burkina Faso.