Garsoorayaasha maxkamadda racfaanka oo isku shaandheyn lagu sameeyay

0
391

Madaxa waaxda cadaaladda ee dalka garsoore Martha Koome ayaa isbeddel ku sameysay xaakinnada ka howlgalo maxkamadda racfaanka ee Kenya.
Waxay sheegtay in 14 garsoorayaal ah ay ka shaqeyn doonaan maxkamadda racfaanka laanteeda ismaamulka Nairobi.
Waxay tani micnaheedu tahay in xaakinnada ay ku biiri doonaan dhageysiga dacwado dhowr ah oo la xiriira arrimaha sharci beddelka ee BBI.
Isku shaandheyntan ayaa imaanaysa saddex toddobaad ka dib markii madaxweyne Uhuru Kenyatta uu 7 garsoorayaal ah u magacaabay maxkamadda racfaanka ee dalka.