Madaxweynaha Filibiin oo wacad ku maray in la xirayo qofkii diido tallaalka COVID19

0
479

Madaxweynaha wadanka Filibiin Rodrigo Duterte ayaa ku goodiyay in xabsiga loo taxaabaya qofkii aan oggolaan in laga tallaalo cudurka COVID19.
Tani ayaa imaanaysa iyada oo wadankaasi laga diiwaangeliyay in ka badan 1.3 milyan oo ah xaaladaha caabuqa corona iyo 23,000 oo dhimasho ah.
Duterte ayaa yiri “waxaad kala dooran in aad tallaalka qaadato ama aan xabsiga ku dhigo” xilli uu shalay jeedinayay khudbad qaran.
Hanjabaadda hoggaamiyaha Filibiin ayaa timid ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in ay aad u hooseyso tirada dadka qaadanaya tallaalka ee caasimadda dalkaasi ee Manila.