Dowladda Kenya ayaa shaaca ka qaaday in ay sare u sii qaadi doonto iskaashi dhanka horumarka ah ee kala dhexeya wadamada xubnaha ka ah Midowga Yurub.
Ka dib kulan dhex maray madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta iyo madaxa golaha Midowga Yurub Charles Michel, ayaa lagu dhawaaqay wada hadal istaraatiij ah oo dhinacyadan u dhexeya.
Mr. Kenyatta iyo Mr. Charles oo ku kulmay magaalada Brussels ee dalka Belgium ayaa sheegay in ay ka wada shaqayn doonaan arrimo badan oo ay dani ugu wada jirto shacabka Kenya iyo kuwa ku nool dalalka qaaradda Yurub.
Madaxa golaha Midowga Yurub ayaa carrabaabay in Kenya ay tahay saaxiib dhow marka la eego bariga iyo geeska Afrika gaar ahaan xoojinta amniga.
Waxay horay labadan dhinac uga wada shaqeynayeen oo ay doonayaan in ay sii xoojiyaan la tacaalidda isbeddelka ku yimaada cimillada , dimuqraadiyadda, amniga , ganacsiga iyo arrimaha xuquuqul aadanaha.