Madaxweynaha Hirshabeelle oo ka hadlay mas’uul gobolka Hiiraan lagu dilay

0
338

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Soomaaaliyeed ee Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa ka hadlay dilkii xalay Magaalada Baladweyne ee Xarun Gobolka Hiiraan loogu geystay Guddoomiyihii dhalinyarada Gobolka Hiiraan.
Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa tacsi u diray Ehelada Marxuum Faarax Cabdi Cali Faarax Diir Gudoomiyahii Ururka Dhallinyarada Gobolka Hiiraan oo koox hubeysan ay ku dileen xaafad ka tirsan Magaalada Baladweyne.
Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa tilmaamay in marxuum faarax uu ahaa haldoorkii Dhalinyarada iyo isku haye bulsho, isla markaana waxaa uu faray hay’adda Amniga inay gacanta kusoo dhigaan shaqsiyaadkii ka dambeysay dilkiisa.
Kooxdii dishay Guddoomiyihii dhalinyarada Gobolka Hiiraan ayaa falka kadib goobta si dhaqsi ah uga baxsaday, waxaana markii dambe halkaas tegay oo qaaday Meydka Ciidanka amniga iyo qaar kamid Eheladiisa.
Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo Magaalada Baladweyne ayaa waxaay sheegayaan in saakay halkaas ay socdaan howlgal lagu baadi goobayo raggii fuliyay dilkii Marxuun Faarax Cabdi Cali oo loo yaqaanay Faarax Diir ahaana Gudoomiyihii dhalinyarada Gobolka Hiiraan.