Xisbiga Jubilee oo u hambalyeeyay Biden

0
726

Xisbiga talada dalka haya ee Jubilee ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twittarka waxaa uu fariin hambalyo ah u diray madaxweynaha cusub ee Maraykanka Joe Biden iyo ku xigeenkiisa Kamala Harris.
Waxaa qoraalka Jubilee ku cad in talada Maraykanka ee ay mas’uuliyiinta qabteen ay muujinayso rajada iyo adkeysiga shacabka dalkaas.
Jubilee ayaa sidoo kale isbeddelka ku yimid maamulka Maraykanka ku tilmaantay mid xoojinaya midnimada oo meesha ka saaraya wax kasta oo khatar geliyay geeddisocodka dimuqraadiyadeed .