Waxaa xabsiga loo taxaabay mudanaha laga soo doortay deegaanka Tiaty ee ismaamulka Baringo William Kamket oo lala xiriiriyay dhibaatooyin dhanka amniga ah oo dhawaan saameeyay degmada Kapedo
Mudanaha oo saaka la qabtay ayaa hadda ku jiro saldhigga booliska ee xaafadda Kileleshwa ee Nairobi.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in mudanaha iyo qareenkiisa ay fariin qorayaan.
Toddobaadkan gudihiisa ayay ahayd markii 6 qof lagu dilay halka dhowr kalena lagu dhaawacay israsaaseyn dhex martay ciidamada ammaanka iyo dabley.
Xarigga William Kamket ayaa ku soo aadaya ka dib markii shalay wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Dr. Fred Matiang’i uu sheegay inay jiraan shakhsiyaad lagu tuhunsan yahay amni darrada laga soo tabiyay Kapedo oo laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.