Barasaabka Wajeer oo qaabilay mas’uul ka socdo hay’adda UMR

0
438

Guddoomiyaha ismaamulka Wajeer Axmad Cali Mukhtaar ayaa galinkii dambe ee shalay la kulmay Mr. Cabdul Ghani Ismaaciil oo ah wakiilka hay’adda gargaarka iyo horumarka ee qaramada midoobay ee (UMR) u qaabilsan bariga Afrika.
Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay dhaqangelinta wajiga labaad ee mashruuca xaafadaha ee (AVP) oo laga fulinaya magaalada Wajeer.
Barasaabka ayaa qoraal ku sheegay in maamulkiisa uu ballanqaaday inuu dhul ugu deeqo hay’adda oo uu fadhigeedu yahay Maraykanka.
Dhulkan ayaa lagu dhisayaa maktabad ,xarun farsamo iyo kuwo kale oo ay ka faa’iidayaan dadweynaha Wajeer.
Guddoomiyaha ayaa xusay in hay’adda UMR iyo ismaamulka Wajeer ay dhinacyo badan iska kaashanayaan sidaas awgeedna la sii xoojin doono wada shaqeynta.