Dowladda oo faahfaahin doonto adeeg la xiriira guryeynta

0
545

Waxaa la filayaa in abaare 10:30 barqanimo ee maanta wasaaaradda gaadiidka , kaabayaasha waddooyinka, guryeynta, horumarinta magaalooyinka iyo howlaha guud ay sharraxaad ka bixiso adeeg dhanka guryeynta ah.
Shirka jaraaid ayaa lagu qabanayaa xaafadda Pangani ee ismaamulka Nairobi .
Dowladda dhexe ayaa xaafadda Pangani ka wado mashruuc shacabka u fududeynaya in ay helaan hooy ay qarash ahaan awoodaan.
Barnaamijkan ayaa ka mid ah qorshayaasha ugu waawayn dhanka horumarka ee maamulka talada haya ee Jubilee.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa William Ruto ayaa xilligii ololihii doorashada guud dadweynaha u ballanqaaday in ay wax badan ka qaban doonaan caafimaadka, wax soo saarka , la tacaalidda cunno yarida iyo hooyga.
Waxaa munaasabaddan ka qayb geli doono afhayeenka dowladda dhexe Cyrus Oguna iyo mas’uuliyiin ka socdo wasaaradda.
Mr. Oguna ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in sidoo kale shirka maanta looga hadli doono arrimaha muhiimka ah ee qaranka.