Madaxweynaha Galmudug iyo ku xigeenkiisa oo ka wada hadlay arrimaha guddiga doorashada

0
338

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) iyo kuxigeenkiisa Cali Daahir Ciid ayaa kulan gaar ah ku yeeshay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug, waxayna ka wada hadleen arrimo dhowr ah.
Wararka kulanka laga helay ayaa waxay sheegayaan inay labada mas’uul ka wada hadleen soo dhamaystirka guddiga Doorashada Galmudug iyo Isku shaan-dheyn la doonayo in lagu sameeyo Golaha Wasiirada Maamulkaasi maalmaha soo socda.
Sidoo kale kulanka ayaa waxaay uga wada hadleen Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) iyo kuxigeenkiisa Arimaha Amniga Doorashoyinka soo wajahan iyo dardargalinta la dagaalanka Al-Shabaab.
Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) ayaa todobaadyadii la soo dhaafay safari ku kala bixinayay dalka turkiga iyo Magalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya, waxaana shalay Gelinkii dambe uu dib ugu laabtay magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta maamulkiisa isagoo halkaas kulamo kala duwan ka Bilaabay.