Maxaa u qorsheysan Joe Biden?

0
902

Madaxweynaha maanta la wareegaya hoggaanka Maraykanka Joe Biden ayaa sheegay inay jiraan arrimo si degdeg ah loogu tallaabi qaadi doono oo la xiriira socdaalka , la tacaalidda cudurka COVID-19 iyo xal u helidda saameynta isbeddellada cimillada.
Warbaahinta Aljazeera oo soo xiganaysa qaar ka mid ah kaaliyaashiisa ayaa ku warramaysa inuu Biden soo saari doono ilaa 15 ah amarro madaxweyne ka dib marka maanta la dhaariyo.
Waxaa la filayaa sidii uu horay u tilmaamay inuu saxiixo amar looga laabanaya go’aankii uu Trump qaxootiga ku xannibay .