Wararka naga soo gaaraya ismaamulka Tana River ayaa sheegaya in gacanta lagu dhigay 22 qof oo loo haysto dagaal beeleed dhawaan laga soo tabiyay halkaas.
Isniintii ayay ahayd markii labo qof lagu dilay degmada Madogo halka guriyana la gubay.
Isku duwaha ammaanka ee gobolka xeebta ee ay Tana River hoos tagto John Elungata ayaa shaaciyay tallaabada ay qaadeen laamaha ammaanka.
Sidoo kale waxaa uu siyaasiyiinta uga digay inay shacabka isku diraan.
Elungata ayaa sidoo kale bulshooyinka ay xurgufta ka dhexeysa u qabtay labo cisho oo ay ku soo celinayaan xoolo la dhacay.